Shabaab oo Ceelwaaq ku dishay Wiil iyo Gabar walaalo ahaa.

August 01 (Jowhar.com)-Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dil la dhacay deegaanka Girileey oo hoostaga degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, weerarkaas oo ay geysteen Shabaab waxaa lagi dilay Wiil iyo Gabar walaalo ahaa.

Sida ay sheegatay Shabaab, Cabdisalaan Cusmaan Buraash iyo Aamino Cusmaan Buraash oo ay ku eedeeyeen inay u Shaqeeynayeen Sirdoonka Kenya ayey toogteen, lama hayo xaqiiqda sheegashada Kooxdan.

Dilka labadan qof ee walaalaha ah wuxuu kusoo aadayaa xilli Maalin ka hor Al-Shabaab ay fagaaro ku yaalla deegaanka Buula fuulaay ee Gobolka Baay ku toogteen 7 Ruux oo ay ku eedeeyeen inay la Shaqeeynayeen Sirdoonka Mareykanka.

Ilaa iyo haatan majiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka maamulka gobolka Gedo iyo waliba kan Ceelwaaq oo ku aadan xogta dilka labadam qof iyo eeda Shabaab, waxaana cabsi soo wajahday dadka deegaanka oo arrintan si aada u hadal haya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More