Shabaab oo shaacisay magaca iyo qabiilka ninkii isku qarxiyay xildh. Aamino

Mar 27 (Jowhar.com) – Kooxda Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay magaca iyo qabiilka ninkii isku qarxiyay xerada Lamagalaay ee magaalada Baladweyne, iyadoo weerarkaas lagu dilay dad gaaraya 50 qof oo ay ku jirtay xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo ka tirsaneyd baarlamaanka Soomaaliya.

Sida lagu sheegay warka ka soo baxay Shabaab, Ismiidaamiyaha oo lagu magacaabi jiray Maxamuud C/qaadir Koosaar, gudaha kooxdaasi looga yaqaanay Al-Baani ayaa ahaa 25 jir, isagoo Shabaab ku soo biiray sanadkii 2016, wuxuuna ka soo dagaalamay gobolo kala duwan.

 

Wareysi laga qaaday Ismiidaamiyaha inta aanu is dilin dadkana leyn kahor wuxuu ku sheegay inuu ka soo jeedo beesha Mareexaan gaar ahaan jufada Celi Dheere isagoo kasoo jeedaa degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo.

 

Si kastaba, Weerarka Beledweyn oo dhacay Arbacadii waxaa lagu dilay 48 qof, halka ay ku dhaawacmeen inkabadan 100 kale, iyadoo bartilmaameedka la sheegay iney eheyd xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo caan ku eheyd difaaca xuquuqda aadanaha.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More