Shabaab oo weerar culus ku qaaday deegaanka Burujeed ee Gobolka Galagaduud

Oct 15 (Jowhar.com)-Warrarka ka imaanaya Gobolka Galagaduud ee Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay saaka waabarigii dagaal culus ku qaadeen xeryo ay deegaanka Burujeed oo qiyaastii 60 km koonfur bari uga beegan degmada Guriceel ka fadhiyeen ciidamo kuwa deegaanka ah oo loo diyaariyay dagaalka Al-Shabaab.

Salaaddii subax kaddib ayaa la sheegay in dhawr qarax laga maqlay deegaanka Burujeed, kaddibna waxa bilowday dagaal toos ah oo dhexmaraya illaa hadda kooxdii weerarka qaaday ee Al-Shabaab iyo ciidamada deegaanka.

Isgaarsiinta oo go’day darteed ayaa keentay in aan macluumaad badan laga hayn dagaalka ka socda Burujeed.

Xiriir aan la sameynay saraakiisha ciidanka deegaanka ee aagga Guriceel ayaysan noo suurtagalin si aan wax uga waydiino dagaalka.

War ka soo baxay Al-Shabaab waxay ku sheegeen in dagaal culus ay ku qaadeen deegaanka Burujeed, isla markaana ay khasaare ba’an gaarsiyeen ciidamada halkaas ku sugnaa.

Illa hadda war badan lagama hayo inta uu la egyahay khasaarraha labada dhinac kala gaaray, iyo sida ay xaaladdu tahay hadda, maadaama ay isgaarsiinta Burujeed hawada ka maqan tahay.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More