Shabaab oo weerar culus ku qaaday Kenya, kadib duulaanadii dowlad deegaanka.

August 01 (Jowhar.com)-Kooxda Al-Shabaab ayaa weerar culus maanta ku qaaday saldhig ay ciidamadda Kenya ku leeyihiin magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya, iyadoo la soo sheegayo inuu jiro khasaare ka dhashay duulaankan.

Weerarka oo madaafiic Hoobiyayaal ah loo adeegsaday ayaa lagu qaaday saldhig ay ciidamadda Kenya ee xadka roondada ka sameeya ku leeyihiin degaanka Konton oo u dhow degmada Qorof-xaraar ee Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Dad goob joogayaal ah waxa ay sheegeen iney maqlayeen jugta madaafiic isdaba joog ah, iyagoo tilmaamay in qaar kamid ah hoobiyayaashan ay gudaha ugu dheceen saldhigga, walow aysan ogaan karin xadiga khasaaraha, maadaama aan loo dhawaan karin aagaasi oo ciidanka uu u xiran yahay.

Kooxda Al-Shabaab oo war kooban ka soo saartay weerarkan waxa ay tilmaamtay iney khasaare gaarsiisay ciidamadda Kenya ee saldhigga ku sugnaa, ma aysan xusin kooxda tirada dhimasho ama dhaawac ee weerarkaasi.

Dhinaca kalena, Saraakiil katirsan Ciidamada Kenya oo dhankooda Warbaahinta gudaha la hadlay waxaa ay sheegeen inay fashiliyeen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab, Isla markaana ay wadaan howlgallo ay ku baadi goobayaan Kooxihii soo weeraray oo ay tuhunsan yihiin iney joogaan meel aan ka fogeyn aagga weerarka uu ka dhacay.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa yaraa weerarada ay Shabaabku ka geystaan dhinaca Kenya, iyadoo bishii ina dhaaftay ilaa 3 jeer ay weerar ku ekeeyeen dhinaca dowlad deegaanka, waxaana dagaal Shabaab iyo Liyuu boolis dhexmaray uu sababay dhimashada dad gaaraya 500 ruux oo dhinacyadii dagaalamay iyo shacab isugu jiray.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More