Shabaab oo weerar Ismiidaamin iyo dagaal toos ah ku qaaday saldhiga Janaay Cabdalle
Mar. 07 (Jowhar.com)-Kooxda Al-Shabaab ayaa saakey weerar ku billowdey qaraxyo ku qaaday saldhigga ciidamada Jubbaland degaanka Jannaay Cabdalle ee duleedka Kismaayo.
Sida wararku sheegayaan, weerarka qaraxyada waxaa xigay dagaal toos ah oo xerada dhexeeda ku dhexmaray Shabaabkii weeraray iyo ciidamada,waxaana halkaasi ka dhashay khasaare xoogan oo dhimasho iyo dhaawacba leh.
Saldhigga la weeraray waxaa daganaa ciidamadda Mareykanka uu tababaro ee Danab iyo kuwa maamulka Jubaland, iyadoo la maqlayay hubka cul culus oo ay labada dhinac is weydaarsanayeen.
Waxaa la xaqiijiyay in dadka ku dhintay weerarkan uu ku jiro sarkaal lagu magacaabyay Carab Maxamuud oo kamid ahaa ilaalada madaxtooyada Jubbaland ee halkaasi ku sugnaa.
Shabaab waxey sheegatay iney la wareegtay gabi ahaanba xerada oo ay cagta marisay ciidamadii saldhiggaasi ku sugnaa, majirose ilo madax banaan oo xaqiijin kara sheegashada kooxdan.