Shabaab oo weerar ku qaaday ciidamo Kenyan ah xili ay biyo dhaamis ku jireen

April 13 (Jowhar.com)- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xooggan oo ciidamo Kenyan ah lagula eegtay inta u dhaxaysa xerada Koodi iyo Kaambooni ee ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Qaraxa oo ahaa miino wadada dhineceeda la dhigay ayaa qabsatay mid kamid ah gaadiidka ay isticmaalaan ciidamada Kenyan ah, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh, walow aan wali la xaqiinin tirada rasniga ah ee waxyelada qaraxu sababay.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in xiliga la qarxinayay ciidamada Kenyanka ah ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS ay ku mashquulsanaayeen biyo dhaamin, iyadoo qaraxa kadib ay rasaas dhowr jiho u fureen, walow aan la soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay

Wararka ayaa waxaa ay intaasi kudarayaan in Ciidamada Kenya ay socdaalkoodii ay iska sii wateen, kadib howlgallo miino baaris ah oo ay ka sameeyeen inta u dhaxaysa xerada Koodi iyo Kaambooni ee Gobolka Jubbada Hoose oo ah halka qaraxa lagula beegsaday.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More