Shabaab qaraxyo watay oo lagu qabtay magaalada Muqdisho

Apr 01 (Jowhar.com)-Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA ayaa gacanta ku dhigay labo ka tirsab Shabaabkuwaasi oo doonayay inay falal amni darro ka gaystaan magaalada Muqdisho.

Xilliga ay qabanayeen ciidamada labada xubnood ayaa waxay gacmaha ku wateen Qaraxyo ay damacsanaayeen inay ku dhibaateeyaan dadka shacabka ah.

Laamaha amaanka ee dowladda ayaa soo bandhiggay sawirradan labadan Nin oo wajiga dhaawacyo ka qaba, iyagoo gacantana ku heysta Bamka ay wateen.

Majirto wax war ah oo kooxda Shabaab ay kasoo aaartay arrintan, loogamaba baran iney qirtaan xubnaha u dagaalama ee looga qabto caasimadda.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More