Shabab oo dad ku dhow 8 kun qof ku dishay hal sano gudaheed
Aug. 01 (Jowhar.com)-Warbixint ani oo ay soo saartay xarunta daraasaadka iyo Istiraatiijiyadaha Afrika ayaa waxaa ay ku sheegtay in weerarrada Al-shabaab ee gudaha Soomaaliya ay kordheen sanadkii 2022kii marka la barbar dhigo sanadihii ka horreeyay.
Sida ay warbixinta ku sheegtay hay’addu waa sanadkii ugu khasaaraha badnaa dagaalka ay Al-shabaab ka waddo gudaha Soomaaliya oo 17 sano jirsaday.
Warbixinta ayaa lagu xusay in 7937 qof lagu dilay Soomaaliya 2022 kaliya tiradaas oo ka badan tiradii ugu badneyd ee ay shabaab ku dilaan Soomaaliya oo ahayd 5224 sanadkii 2018kii.
Waxa xogta intaas ku dartay in weerarrada Al-shabaab ee Soomaaliya 2022 ay kor u kaceen 157%,waxaana ay ka mid tahay meelaha ay weerarrada Argagixisada aadka uga dhaceen Afrika 2022kii.
Sidoo kale weerarrada boqolleyda waxaa ay Al-shabaab ka galeen 36% oo u dhiganta kaalinta 2aad sanadkii la soo dhaafay dhamaan weerarrada ay fulanayeen kooxaha ka dagaallama Afrika,waxaana kaliya ka badan kuwa ka dagaallama Gobolka Saaxil ee Galbeedka Afrika.
Dhimashada ka dhalata dagaallada ayaa sidoo kale kor u kacay Soomaaliya 235% marka loo eego Sanadkii hore waxaana durba tirade guud ahaan dhimashada Soomaaliya 2023 sii mareysaa 6,199 qof.
Duulaanka uu Madaxaweynaha Soomaaliya August 2022 ku dhawaaqay isaga oo kaashanaya Ciidamada qabiillada, iyo ATMIS ayaa qeyb weyn ka qaadatay dhimashada dagaallada ka dhalata ee sare u kaca keentay. Sida ku cad warbixinta ACS.