Shacab careysan oo la wareegay madaxtooyada Ciraaq kadib dilka 15 qof.

August 30 (Jowhar.com)-15 qof ayaa lagu dilay caasimadda dalka Ciraaq ee Baqdaad, iyadoo 19 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen rabshado ka dhacay halkaas, ka dib markii uu wadaadka awoodda badan ee Shiicada ah ee Muqtada al-Sadr uu ku dhawaaqay inuu siyaasadda ka fadhiisanayo, arrintaas oo keentay isku dhacyo u dhexeeya taageerayaashiisa iyo kooxaha kale ee ay siyaasad ahaan isaga soo horjeedaan.

Rabshadahan ayaa ka dhacay aagga cagaaran ee sida aadka ah loo ilaaliyo, waxaana taageerayaasha Muqtada al-Sadr ay xoog ku geleen xarunta madaxtooyada ee dalka Ciraaq, iyaga oo la wareegay guud ahaan dhismaha xarunta madaxtooyada.

Muuqaallo lagu baahiyey warbaahinta ayaa muujinaya taageerayaasha Muqtada al-Sadr ee la wareegay madaxtooyada oo ku dabbaalanaya berkedaha kuyaalla xarunta madaxtooyada, iyada oo qaar kalena ay ku sugan yihiin gudaha dhismaha iyo xafiisyada kale.

Ciidanka militariga ee dalka Ciraaq ayaa ku dhawaaqay bandaw dalka oo dhan ah, laga bilaabo 3:30 galabnimo, wakhtiga dalka Ciraaq, iyadoo ciidamada militarigu ay ugu baaqeen debed-baxayaasha inay ka baxaan aagga cagaaran oo xarun u ah ergada caalamiga ah ee ku sugan dalka Ciraaq.

Rabshadaha ayaa bilaawday saacado kadib markii uu Muqtada al-Sadr ku dhawaaqay in uu isaga baxay siyaasadda sababo la xiriira ismaandhaafka siyaasadeed ee dalkaasi ka jira.

Wadaadka ayaa ku guuleystey kuraastii ugu badneyd doorashadii Oktoobar, laakiin ma helin aqlabiyad uu ku soo dhisi karo xukuumad.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More