Nov 25(Jowhar)-Dad badan oo ku nool Gaza ayaa weli ku jira xaalad hubanti la.aan ah. Qaybaha kala duwan ee Cisbitaalka Naasir ayaa jiifa laba wiil oo 10 jir ah, oo mid ka mid ah ay ku dhacday rasaas habow ah oo dhanka Israa’iil ka timid taasoo curyaamisay, mid kalena waxaa ku taalla buro maskaxda ah.
Hadda oo ay meesha ka jirto xabbad joojin aan caga badan ku taagneyn, waxay ka mid yihiin ilaa 15,000 bukaan oo Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ay sheegtay inay u baahan yihiin daadgureynta caafimaad degdeg ah.
Ola Abu Saciid ayaa fadhida iyadoo si tartiib ah u salaaxaysa timaha wiilkeeda Camaar. Qoyskiisa ayaa sheegay in uu ku sugnaa teendhadooda oo ku taal koonfurta Qaza, markaas oo ay haleeshay rasaas habow ah oo ay ridday diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil.
Waxay ka gashay laf dhabarta, taasoo kaga tagtay curyaannimo. “Wuxuu u baahan yahay qaliin degdeg ah,” Ola ayaa tiri, “laakiin way adag tahay. Dhakhaatiirtu waxay noo sheegeen inay sababi karto geeridiisa, istaroog ama dhiig-bax maskaxeed.
Wuxuu u baahan yahay qalliin loogu sameeyo meel qalabaysan.” Hadda, Gaza waa wax aan ahayn taas. Laba sano oo dagaal ah ka dib, isbitaalladeeda waxay ku jiraan xaalad halis ah.










