Shacabka Soomaaliyeed mar kale mala qaldi karaa?

Jun 20(Jowhar.com)Siyaasi fursadihiisa siyaasadeed sii yaraanayaanna si fudud ma u soo tahriibi karaa koox faraha dhiig ku leh, dalka iyo dowladnimada halis ku ah, danbiyo waaweyn u diiwaan gashan yihiin, burbur iyo kala-haadna qarankaan qarka u saaray.

Si shacabku u dareemo caddaalad iyo xaqsoor dhab ah, horraanba, waxa ay ahayd in hay’adaha garsoorka la hor-geeyo galalka gabood-falladii siyaasadeed ee waddanka ka dhacay billowgii 2017 ilaa bartamihii 2022, wali-se, waxaa harsan waqti wax-la iska weydiin karo.

Ka saxaafad ahaan, waxaan hoggaanka dowladda dib u xasuusineynaa qaar ka mid ah shirqoolladii dhacay ee mahadhooyinka iyo xasuusaha qaraar ku reebay quluubta guud ahaan qowmiyadda Soomaalida.

13 March 2017, bil kadib, 10 April 2017, 20 May 2018, 15 Jun 2021, 22 January 2022 iyo maalmo kale oo diiwaanka taariikhda ku dhigan, waxaa la fuliyay weerarro la fududeeyay oo lagu halaagay dhallinyaro tababar uga socday Xero-nacnac iyo kuwo doonayay in ay is-qoraan si ay qarankooda ugu adeegaan. bal sawiro ku dhawaad 10 qarax iyo hal xero.

24 July 2019, qarax la soo maleegay ayaa gudaha loo galiyay Xarunta Gobolka Banaadir, Duqii Caasimidda Eng Yariisow iyo masuuliyiin kale ayaa ku naf-waayay. Si aan buugga raad-raaca loo furin, saraakiil boolis u badan oo baaris ku sameeyey qaraxaas ayaa si hoose loo dilay, qaar kalana xilalka ayaa laga qaaday.

Weerar u ekaa ka aarsi saraakiil ayaa mar kale loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay wal-xaha qarxa, 9 Augusto 2020 gudaha loo galiyay Xero ay Ciidmadu ku leeyihiin aga-gaarka garoonka cayaaraha ee istaadium Muqdisho, halkaas oo lagu xasuuqay saraakiil ciidan.

Taliyihii Saldhiga Booliska Degmada waabari Calooley iyo taliye xigeenka qeybta Waliyow-cade ee Booliska Maxamuud Cagay, ayaa weerar lagu dilay 9 May 2021, halka bishii xigtay ee Juun la af-duubay Saraakalad Ikraan Tahliil oo ilaa hadda la la’yahay.

Weerar qorsheysan oo u kee mid la fududeeyay ayaa 20-kii November 2021 lagu dilay Agaasimihii Radio Muqdisho Abdicasiis Maxamuud Guuleed (Afrika) halka isla weerarkaas si xun loogu dhaawacay Agaasimahii Telefashinka Qaranka Sharmaake Maxamed Warsame.

Maxamed Ibraahim Mucalimuu oo aad ugu dhawaa RW Rooble ayaa 16, January 2022 lagu dhaawacay weerar aarsi u muuqday oo la soo maleegay.

Si loo fashiloyo doorashooyinkii madaxtinnimo ee 2022-kii, waxaa 23 Maarso 2022 la fududeeyay weerar rag dabley ah ku qaadeen xeyndaabka garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, halka isla taariikhdaas qaraxyo siyaasadeed oo ka dhacay Baladweyne lagu khaarijiyay Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi oo dadaal ugu jirtay caddaalad u helidda Ikraan Tahliil.

Khaarijintii AUN, Jeneraal Maxamed Nuur Galaal, dilkii Jiijiile, shirqoolkii Dhagajuun, weerarradii degmooyinka Wadajir, Howl-wadaag, Hodan iyo Warata-nabadda, wali wax la iskama weydiin oo baaris dhammeystiran ma helin.

Dhanka kale, gafood-fallada siyaasadeed ee kooxdaas gashay walina aan laga xisaabtimin waxaa qeyb ka ah, dhiibistii Qalbi-dhagax, weerarkii Cabdiraxmaan Cabdishakuur, duullaankii howga sanatar Cabdi-qeybdiid, Xariggii musharrax Mukhtaar Roobow, is-hor istaaggii socdaalkii Madaxweynayasha, weerarkii Hotel maa’idda, dagaalladii Muddo kordhinta, rasaaseyntii bannaan-baxayasha, go’doomintii Kismaayo, dagaalladii sokeeye ee Gedo, iyo dhacdooyin kale oo waaweyn.

Inta badan dhacdooyinka argagaxa leh waxa ay ka dhaceen Muqdisho oo xilligaas ahayd magaalo ku hoos jirtay cabsi iyo caburin siyaasadeed oo xooggan, hayeeshee, laba sano kadib, caasimaddu waxa ay ku naalooneysaa nabad iyo neecaaw amni, dadkeedu waa xor, mana jiro beegsi siyaasadeed oo ay ka cabsi qabaan, haddaba, waa weydiinti koowaad’e, shacabka Muqdisho, mar kale mala qaldi doonaa mise waxa ay noqon doonaan ummad ku dhaqan caasimad xisaabtanta oo aan xisaabtu ka qaldaneyn?.

Waa lama huraan in isla-xisaabtan rasmi ah la helo, wax-na la iska weydiiyo wixii dalka ka dhacay muddo xileedkii la soo dhaafay.

W/D Mohamed Nor
Email. M.nor114@gmail.com

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Jowhar.Com oo ah mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More