Shan aag oo dagaal qaraar uu ku dhexmarayo dagaalyahannada Xamaas iyo Ciidamada israa’iil

Nov 05 (Jowhar.com)- Mid kamid ah hadafyada ugu waaweyn ee Israa’iil ka leedahay duulaankeeda Marinka Qasa ayaa lagu sheegay galitaankeeda qaybaha waqooyi iyo bari ee Marinka iyo in cadaadis la saaro rayidka ku nool xaafaddaha Sabra, Saytuun, Darji, iyo Askoola.

Illaa shan aag ayuu dagaal qaraar ka socdaa, waxana ugu daran kan ka socda waqooyiga galbeed halkaas oo ay galeen tobannaan taangi iyo gawaarida qafilan ee Israa’iil, kuna teedsan xeebta, waxayna gooyeen lix illaa todobo kilo mitir gudaha Qasa.

Markaa dabadeed waxay u dhaqaaqeen dhinaca bariga, iyadoo ay iska caddahay in ujeedku yahay go’doominta degmada Qasa, oo ah tan ugu weyn Marinka Qasa, marka la eego baaxaddeeda iyo dadka ku nool.

Diyaaraddaha Israa’iil ayaa xoojiyay duqeynta xagga cirka ah ee ay ku hayaan hareerraha isbitaalka Qudus, halkaas oo hoy u ah kumannaan barakacayaal ah oo nabad u soo raadiyay, waxayna dad badan u arkaan in duqeynta cusub uu hadafkeedu yahay in markale ay u barakacaan dadkan dhinaca koonfurta oo aad uga fog degmada Qasa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More