Sep 08(Jowhar)-Shan qof ayaa lagu dilay toogasho ka dhacday meel baska laga raaco oo ku taalla magaalada Qudus, sida Ay sheegeen waaxda gurmadja deg dega ah ee Isra1l, iyadoo boolisku sheegeen in raggii falkan ka danbeeyay la dilay. Lama oga cidda fulisay weerarka ama sababta ka dambeysa.
Kooxda reer Falastiin ee Xamaas ayaa bogaadisay labada ruux ee toogashada geysatay, balse si toos ah mas’uuliyada uma sheegan. Booliska Isra1l ayaa sheegay in labada nin ee weerarka geysatay ay gaari ku yimaadeen kadibna rasaas ka fureen meel baska laga raaco oo ku taalla isgoyska Ramot. Waxay sheegeen in sarkaal amni iyo qof rayid ah ay toogteen oo dileen kuwa toogashada sameeyay.
Waaxda Caafimaadka waxey sheegeen in shanta qof ee la dilay ay ahaayeen nin 50 sano jir ah, haweeney 50-meeyada ku jirta iyo saddex nin oo da’doodu 30-meeyada ahayd. Waxaa kale oo ay sheegeen in 11 qof oo kale ay dhaawacmeen, kuwaas oo lix ka mid ah xaaladoodu aad u daran tahay oo qaba dhaawacyo culus oo rasaasta ah.
Isgoyska Ramot wuxuu ku yaallaa qayb ka mid ah Qudus oo Isra1l ku qabsatay dagaalkii 1967, dabadeedna ku dartay dhulkeeda, hase yeeshee Qaramada Midoobay iyo inta badan waddamada caalamka uma aqoonsana.
Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu oo tagay goobta toogashada ka dhacday ayaa haatan kulan qiimeyn xaaladda ah la leh saraakiisha amniga.