Shaqo joojin lagu sameeyay xisaabiyaha guud iyo agaasimaha dakhliga wasaarada maaliyada Soomaaliya

Jully. 06 (Jowhar.com)-Wasiirka Maaliyadda XFS Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa Shaqo ka joojin degdeg ah ku sameeyay Xisaabiyaga Guud iyo Agaasimaha Guud ee Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda.

Shaqo ka joojinta ayaa la xiriirta amar diido, wada shaqeyn la’aan iyo caqabad ay ku noqdeen hannaanka lagu maamulo qarash bixinta dowladda ee SFMIS.

Sidoo kale waxaa hakad galay bixinta lacagaha kaalmada Deeq bixiyeyaasha ku deeqeen ee qaar ka mid ah loogu tala galay in loo wareejiyo dowladda Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More