Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlay dagaaladii ka dhacay Cowswayne

Aug 27 (Jowhar.com)-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa tacsi u diray eheladii ay ka baxeen ciidankii ku geeriyooday weerarka, waxa uuna caafimaad u rajeeyay askarta weerarka ku dhaawacantay.

Qoraal uu soo dhigey bartiisa Facebook ayuu ku sheegay Shariif Sheekh Axmed sidan;

“Waxaan tacsi u dirayaa ehellada ciidamadii iyo saraakiishii ku geeriyooday weerarkii argagaxisada Al-Shabaab ku qaadday deegaanka Cowswayne. Waxaan ilaahay SWT uga baryaynaa inuu u naxariisto geesiyaasha naftooda u huray difaaca dalkooda, dadkooda iyo diintooda.”

Sidoo kale Shariif Sheekh Axmed ayaa ku baaqay in baaritaan madaxbanaan lagu sameeyo dagaalkii ka dhacay Cowswayne.

“Waxaan ku baaqayaa in baaritaan madax bannaan lagu sameeyo qaabkii loo maareeyey weerarkii argagaxisadu ku qaadday deegaanka Cowswayne, waxaan si gaar ah ugu baaqayaa guddiga difaaca ee BFS inuu baaris dhab ah ku sameeyo sidii weerarkaas ciidamada badan nooga baxeen u dhacay iyo saraakiishii u xil saarnayd aaggaas.”ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

Dhinaca kale waxaan bogaadinaynaa ciidamada xoogga dalka ee ku guuleystay dib u xoraynta degmada qadiimiga ah ee Ceelbuur iyo deegaannada kale ee hoos taga gobolka Galgaduud.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More