Shariif Sheekh Axmed oo la kulmay wakiilka gaarka ah Norway dalka Soomaaliya

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed ayaa maanta kulan la qaatay wakiilka gaarka ah ee dowladda Norway u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Heidi Elburgi Johansen. Kulankan ayaa loogaga hadlay arrimaha doorashooyinka iyo Dib-uheshiisiinta Soomaaliya.

Shiikh Shariif ayaa waxa uu uga mahad celiyay dowladda Norway dadaalka iyo taageerada ay marwalba la garab taaganyihiin Soomaaliya, iyo sida ay usoo dhaweeyeen kumannaan Soomaali ah oo dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay ka qaxay.

Sidoo kale kulankan ayaa waxa ay diirad ku saareen sidii ay dowladda Norway ay kaalin weyn uga qaadan lahayd arrimaha amniga iyo doorashooyinka la filaayo iney dalka ka dhacaan bilaha soo socda.

Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Shiikh Axmed ayaa waxa uu kulamo kala duwan ka wadaa magaalada Muqdisho isaga oo maanta kulan gaar ah la qaatay madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More