Shariif Sheekh, Khayre iyo C C Warsame oo kulan xasaasi ah ku yeeshay Muqdisho

Dec 01 (Jowhar.com)-Waxaa xalay kulan albaabada u xiran yihiin Muqdisho ku yeeshay qaar ka mid ah xubnihii ugu miisaanka cuslaa ee Golihii Midowgii Musharaxiinta.

Kulanka oo ka dhacay hoyga Madaxweyne Shariif Sheekh Axmad, ayaa waxaa kaloo qayb ka ahaa Xasan Cali Kheyre, C/raxmaan C/shakuur iyo C/qaadir Cosoble.

Ilo wareedyo ku dhowdhow kulanka ayaa sheegaya in looga arrinsaday wax ka bedelka Dastuurka, gaar qoddobada taabanaya haykalka dawladda ee nidaamka Baarlamaaniga ah. Siyaasiyiintan oo sida aan xog ku helnay kulan ka dalbaday Madaxweyne Xasan Sheekh oo ay shantii sano ee la soo dhaafay isbahaysi ku wada jireen, codkoodana siiyeen ayaa la sheegay in aysan wax tallaabo qaadi doonin inta ay kala kulmayaan Madaxweynaha.

Lama oga sida ay labada dhinac ku heshiin karaan, laakiin Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wajihi doona mucaaraadkii ugu horreeyey ee saaxibadiisii shalay kaga imaanaya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More