Shariif Sheekh, Khayre iyo CCW oo qoraal xasaasi ah soo saaray

Feb 10 (Jowhar.com)-Madaxweyne hore Xildhibaan Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisulwasaare hore Xassan Cali Kheyre iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa wadajir usoo saaray qoraal xasaasi ah.

Dhinacyadan ayaa ugu baaqay madaxweyne Xassan Sheekh in uu talada dhulka dhigo oo uu wajaho xaqiiqada taagan maanta.

Warsaxaafadeedkan oo xambaarsanaa qodobo mug-weyn ayaa lagu cadeeyey.

1- In dagaalkii Argagixisada uu gaabis noqday deegaano laxoreeyeyna dib loo qabsaday, taas oo Madaxweynuhu shaqsiiyey.

2- Duulaan iyo damaca Itoobiya in siyaasad lagu wajahay aysan aheyn tii mudnayd gaabisna kujiro, Madaxweynuhuna isku koobay, dalkuna Wasiir arrimo dibadeed iyo mid Amni midna laheyn.

3- Dastuurka iyo nooca wax looga bedelayo ayay sheegeen in ay horseedayso midnimadii oo kala dhantaalanta, daganaansho la’aan siyaasadeed iyo wax maanta laga baaqsan karro.

4- Boobka iyo Xaraash xawliga kusocda ee lagu hayo dhulkii Danta guud ee Muqdisho ayay sheegeen in ay kasoo horjeedaan kana amakaag san yihiin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More