Shariif Sheekh;”Farmaajo waa inuu joojiyaa dhiigga daadanaya iyo qalalaasaha uu ka wado caasimadda”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa cambaareeyey weeraraddii maanta lagu qaaday hoyga Musharaxiin ay ka degenaayeen magaalada Muqdisho.

Qoraal uu soo dhigey bartiisa Facebook ayuu ugaga hadlay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed waxana qoraalkiisu uu u qornaa sidan;

Waxaan si adag u cambaareynayaa weerarada qaar kamid ah ciidamada dowladdu ay ku qaadeen guryaha Madaxweynihii hore ee dalka Hassan Sheikh Mohamud iyo hogaamiyaha Xisbiga wadajir Abdirahman Abdishakur Warsame.

Dhibaatada weerarkaas ka dhalata mus’uuliyadeeda waxaa qaadaya madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Waxaan ugu baaqayaa ciidamada qaranka in aysan qaadan amarada khaldan ee lidka ku ah sharciga ciidanka iyo sharuucda kale ee dalka u degsan iyadoo aan uga digayno ciidamada in aysan ku milmin siyaasadda.

Waxaan ugu baaqeynaa madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday inuu joojiyo dhiigga daadanaya iyo qalalaasaha uu ka wado caasimadda, Dalkana uusan u horseedin burbur iyo qaran jab, xalkuna wuxuu jiraa in dalku doorasho aado.

Soomaaliya xal aan ahayn wadahadal iyo isqancin xilligan wax aan ahayn kama furna, haddii ciidan iyo dagaal ooganimo wax lagu helayo kuwa isaga ka xoog iyo hub badnaa ayay dadka Muqdisho barqad cad iska xureeyeen.

Shacabka Soomaaliyeed na waxaan ugu baaqaayaa in ay loo wada istaago sidii dalkaan looga badbaadin lahaa in uu dib ugu laabto meeshii adkeyd ee laga keneey, oo si wadajir ah loga hortago khatarta taliska xilligiisu dhamaadey.

Waxii Warar ee soo kordha kala soco Jowhar.com ,Somali News Leader

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More