Shariif Sheekh;”Waxaan garab taaganahay dagaalka lagula jiro Argagaxisada”

Sep 01 (Jowhar.com)-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay inuu garab taagan yahay ciidamada qalabka sida iyo kuwa deegaanka dagaalada ay kula jiraan Al-Shabaab,balse aan laga aamusi karin qaladaadka laga galo ciidamada Qalabka Sida.

Qoraal uu soo dhigey bartiisa Facebook ayaa ugu horeyntii waxa uu ka hadlay mowqifkiisa arrimaha la dagaalanka Alshabaab.

“Mowqifkeena ku aaddan la dagaallanka cadowga waa mid soo jireen ah oo aan maranaba isbeddelin xilli kasta iyo marxalad walba, waxaana si buuxda u garab taagannahay dagaalka Ciidamada Qalabka sida iyo kuwa deegaanka ay kula jiraan Argagaxisada.”

Waxa uu sidoo kale Shariif Sheekh AxmedMadaxweynihii hore ee Soomaaliya uu markale si aan toos ahayn ugaga hadlo dagaalkii dhawaan ka dhacay deegaanka Cawsweyne.

“Qaladaadka jira ee sababay dhibaatada ku dhacday ciidanka qaarkiisa lagama aamusi karo, masuuliyadiisana waa in dadka ay quseeyso qaataan ama waa in ay la yimaadaan istiraatiijiyada iyo qorshe ka duwan midki hore. Geesiyaasha dhiigooda huray marna ma aqbalayno inay dayacmaan, cidna uguma heeybeeysaneeyno ina difaacno xuquuqdooda.”ayuu sii raaciyay qoraalkiisa Shariif Sheekh Axmed.

Shariif Sheekh Axmed ayaa ugu dambeyntii qoraalkiisa ku xusay in aan la siyaasadeyn oo aan lagu mashquulin waxyaabaha aan wax soo kordhineyn.

“Markale, waxaan codsanaynaa inaan la marin habaabin dagaalka lagula jiro Argagaxisada, lana siyaasadayn, si masuuliyad ahna loo waajaho oo aan lagu mashquulin waxyaabo aan waxba ka so kordhineen. Dagaal wuxuu u baahan yahay istiraatiijiyo cad, qorshe siyaasaded iyo xiriir caalami ah oo isgarab socdo, natiijadiisuna tahay dib u xoraynta dalka.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More