Shariif Xasan oo fariin culus u diray Xasan Sheekh iyo ATMIS.

Dec. 23 (Jowhar.com)-Madaxweynihii hore ee maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa si kulul uga hadlay dagaalkii saaka ka qarxay magaalada Baydhabo, kaasoo u dhexeeyay maamulka Koofur Galbeed iyo mucaaradka maamulkaasi.

Shariif Xasan oo kamid ah musharixiinta xilka madaxtinino ee maamulkaasi ayaa Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ku eedeeyay in caburintii dadka reer Koonfur Galbeed ku hayay uu maanta ku daray inuu dadkii laayo, sida uu yiri.

“Inuu yiraahdo kuwo iga feker duwan ma jooggi karaan oo uu xirxiro waan la yaabanayn, laakiin inuu waxaan soo wado waan dareemi karnay, waxaana aad iyo aad u fiicneyd in laga hortaggo Dowladda Dhexe iyo beesha caalamkaba, arrimahaas annaga qaylaa ka jeedinaynay maalin walbo.” Ayuu yiri Shariif Xasan Sheekh Aadan oo intaasi ku daray “In qofkii aniga iga soo horjeedo ma imaan karo Baydhabo, qofkii aniga iga soo horjeedo ma jooggi karo oo waan xiraa, wax muddo badan soo socday waaye.”

Shariif Xasan ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Taliska Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS ugu baaqay “Gefka la sameynayo in wax laga dhahaa la rabaa”.

Si kastaba, Mucaaradka ayaa si weyn uga horyimid muddo kordhintii uu Baarlamaanka Koonfur Galbeed u sameeyay Madaxweyne Laftagareen, oo 19-kii bishan ay ku ekeyd 4-tii sano ee xafiiska loo doortay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More