Shariif Xasan Sheekh Adan oo loo diiday inuu u safro magaalada Baydhabo

Mar 6 (Jowhar.com) –  Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadan, ayaa saakay laga hor istaagay in uu u safro magaalada Baydhabo.

Shariif Xasan iyo ilaaladiisa ayaa la sheegay inay weli ku sugan yihiin gudaha garoonka diyaaradaha Aden Cadde.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in Shariif Xassan, in uu doonayay inuu u tartamo kursi yaala magaalada Baydhabo oo uu horay ugu fadhiyay wiilkiisa.

Doorashada ka socota Dowlad goboleedka Koofurgalbeed ayaa waxaa hore logu diiday inuu u safro magaalada Baraawe guddoomiye ku xigeenka Golaha Shacabka CabdiWali Muudeey,si uu ugu tartamo kursi uu horey ugu fadhiyay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More