Sheekh Aadan Madoobe ayaa la kulmay safiirka Maraykanka Richard H. Riley.

June 25(Jowhar.com)-Guddoomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka FS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa kulan la qaatay safiirka cusub ee dowladda Mareykanka usoo magacowday Soomaaliya Danjire Richard H. Riley.

Safiirka ayaa ugu horeyn guddoomiyaha Golaha Shacabka uga mahadceliyay qaabilaada uu u sameeyay,isaga oo sheegay Inuu ku faraxsanahay in Soomaaliya loo soo magacaabo islamarkaana uu ka shaqeyn doono xoojinta xiriirka labada wadan.

Guddoomiyaha golaha shacabka mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo ugu horeyn safiirka ku soo dhoweeyey Soomaaliya ayaa waxa uu warbixin kooban ka siiyay horumarada Kala duwan oo ay dowladda Soomaaliya ku talaabsaneysa oo ay ka mid yihiin Amniga,dhaqaalaha Iyo ciribtirka Khawaariijta.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More