Aug 08 (Jowhar)-Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo safar shaqo ku jooga magaalada Muqdisho, ayaa kulan la qaatay Madaxa Hawlgalka Midowga Yurub ee Kobcinta Awoodda Soomaaliya (EUCAP Somalia), Mudane Kęstutis Lančinskas.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka iyo wada-shaqeynta Dowladda Koonfur Galbeed iyo Midowga Yurub, gaar ahaan arrimaha amniga, tayeynta hay’adaha amniga, iyo taageerada dhinacyada horumarinta iyo xasilloonida deegaannada Koonfur Galbeed.
Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed ayaa uga mahadceliyey Midowga Yurub taageerada uu siiyo Soomaaliya, isagoo adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga iyo wada-shaqeynta dhinacyada amniga, horumarinta iyo adeegyada bulshada.
Madaxa Hawlgalka EUCAP Somalia ayaa dhankiisa muujiyey sida ay Midowga Yurub uga go’an tahay in uu sii wado taageerada iyo iskaashiga uu la leeyahay hay’adaha Soomaaliyeed, si loo xoojiyo awoodda hay’adaha amniga iyo horumarinta xasilloonida dalka.
Kulanka waxaa Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed kala qeybgalay Wasiirka Amniga, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo saraakiil ka socday Xafiiska Hoggaamiyaha.





