Sheekh Cali Warsame oo ku geeriyooday dalka Urdun

May 28 (Jowhar.com)- Allaha u naxaristee waxaa dalka Urdun ku geeriyooday Sheekh Cali Warsame Xasan oo kamid ahaa culimada caanka ee Soomaalida.

Sheekh Cali Warsame wuxuu muddo ka badan nus qarni ku howlanaa faafinta diinta Islaamka. Sheekh Cali ayaa lagu tilmaamaa wadaadadii kasoo horjeeday fikirka Al Shabaab.

Wuxuuna ahaa Allaha unaxariistee Sheekh Cali Warsame hoggaamiyihii ugu horreeyey ee ururkii Al-Itixaad oo la aasaasay horraantii 1980-kii.

Sheekh Cali Warsame ayaa lagu xasuustaa inuu ka horyimid ku lug lahaanshaha daagalladii Al-itixaad ay ku gashay deegaanno ka tirsan Puntland iyo gobolka Jubbada Hoose. Sanadihii ugu dambeeyay wuxuu xubin ka ahaa ururkaa Al-ictisaam Bil Kitaab Wal Sunna.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More