Sheekh Shariif oo ka hadlay weerarka Shabaab ay ku qaaday Godka Jilicoow

0
86

Nov 04(Jowhar)-Madaxweynihii hore ee dalka, ahna guddoomiyaha Madasha Samata-bixinta mucaaradka, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay weerarka culus ee kooxda Al-Shabaab ay ku qaaday xarunta NISA ee loo yaqaan Godka Jilicoow, halkaas oo uu weli dagaal ka socdo.

Sheekh Shariif ayaa tacsi u diray qoysaska dadkii ku dhintay weerarka, isagoo sidoo kale caafimaad degdeg ah u rajeeyay dadka ku dhaawacmay.

“Waxaan si adag u cambaaraynayaa weerarka kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab ay ku qaaday xarunta Godka Jilicoow ee magaalada Muqdisho. Duullaankaan waxaan u arkaa mid lagu carqaladeynayo nabadgalyada iyo xasilloonida shacabka,” ayuu yiri madaxweynihii hore.

Sheekh Shariif ayaa ku baaqay in shacabka iyo ciidanka amniga ay sii xoojiyaan iskaashiga iyo wada-shaqeynta, si looga hortago weerarada naf-la-caariga ah ee ay kooxda Shabaab mar walba ku beegsato shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuu intaas ku daray in kooxaha argagixisada ahi ay khatar joogto ah ku yihiin dowladnimada Soomaaliya, loona baahan yahay in ciidamada amniga loo jihaysto sidii loo xaqiijin lahaa ammaanka guud iyo la dagaallanka kooxaha caadeystay daadinta dhiigga shacabka.

Ugu dambayn, madaxweynihii hore ayaa bogaadiyay guulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ka gaareen dagaalka ka dhanka ah Shabaab, gaar ahaan dib u qabsashadii maanta ay kula wareegeen degmada Awdheele ee gobolka Shabeellada Hoose.