Sheekh Shariif oo si weyn loogu soo dhoweeyay Baydhabo

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha golaha midowga murashaxiinta Madaxweynaha ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalada Baydhabo ee caasimadda kumeel gaarka ah ee Koofur Galbeed.

Mas’uuliyiinta Maamulka Koofur Galbeed iyo bulshada magaalada Baydhabo ayaa si diiran usoo dhaweeyay Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo safar laba cisho ah ku joogi doona Baydhabo, Mas’uuliyiintii soo dhaweysay waxaa ka mid ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur-Galbeed Dr Cali Saciid Fiqi iyo Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Federaalka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe.

Madaxweyne Shariif ayaa Madaxtooyada Baydhabo kula kulmay Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More