Sheekh Shariif Sheekh Axmed  oo dalka dib ugu soo laabtay

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna guddoomiyaha midowga musharaxiinta Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa goor dhow ka soo degey garoonka diyaaradaha Aden Cadde ee magaalada Muqdisho.

Sheekh Shariif ayaa waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Xildhibaano ka tirsan labada Gole, xubno kamid ah Xisbiga Hilimo Qaran iyo mas’uuliyiin kale.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si toos ah u abaaray degmada Cabdulcasiis gaar ahaan deegaanka Mirinaayada loo yaqaan halkaas oo oo uu kulamo kula leeyahay mas’uuliyiin ka tirsan Mucaaradka.

Sheekh Sharif ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay dalka ka maqnaa waxaana dib u soo laabashadiisa ay ku soo beegantay xilli dalka uu ku jiro xaalad siyaasadeed isla markaana magaalada Muqdisho laga dareemayo isbedel.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More