Sheekh Shariif “Xalku ma aha mid Ciidan ee xalku waa mid Siyaasi ah”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed oo shir jaraa’id qabtay ayaa ku baaqay in wadahadal lagu dhameyo khilaafka siyaasadeed ee dalka ka jira.

Shariif Sheikh Axmed ayaa ka hadlay qalalaasihii dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in arrintaasi ay tahay mid si weyn looga xumaado,iyadoo bil ramadaan lagu jiro dhiig la daadiyo.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in dagaal uusan ahayn mid xilligan habboon balse loo baahan yahay in si siyaasi ah lagu xaliyo.

“Xalku waa mid ku dhamaan kara in laga heshiiyo doorashooyinka xalku ma aha mid ciidan.”ayuu yiri Sheekh Shariif.

Isagoo ka hadlayay mowqifka uu qaatay ra’iisul wasaare Rooble ee arrimaha doorashooyinka yuu ku tilmaamay mid si weyn wax uga tartay in ay qabowdo xiisadii ka dhalatay muddo kordhinta.

“Waxaan uga mahadcelinayaa mowqifka Rai’sul wasaaraha kaasoo ahaa mid sababay in arrintu ay istaagto, sidii magaalada loo xasilin lahaa doorashana lagu aadi lahaa.”

Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Shariif Sheekh Axmed ayaa ku eedeeyay golaha shacabka inuu ka dambeeyay falalkii dadka ay ku dhinteen kuwo badana ay ku barakaceen.

“Baarlamaanka muddo kardhinta uu sameeyay ayaa sababtay dhimasho,dhaawac iyo barakac, wixii laga digeyay inay sax ahaayeen ayaa muuqatay, shalay waa la soo doortay hadana fursad ayay leeyiiin balse heli maayaan haddii ay dowladnimada meesha ka baxda,”ayuu sii raaciyay.

“Dalkaan waa in doorasho uu aadaa, mid lagu qanci karo heshiis lagu yahay, Soomalaiya dagaal uma baahna ee waxa ay u baahan tahay dowladnimo. dowladnimaduna waa mid la wada leeyahay.”ayuu yiri Sheekh Shariif.

Ugu Dambeyntii waxa uu u mahadceliyay Beesha Caalamka sida ay u garab istaageen ummada soomaaliyeed go’aamada wanaagsana ay qaateen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More