Shiinaha oo ergey cusub u soo magacaabay gobolka Geeska Afrika

Dowlada Shiinaha ayaa Xue Bing u soo magacawday inuu noqday ergay uga wakiil noqon doona gobolka Geeska Afrika ee qalalaasuhu ka taagan yihiin.

Wadamada Geeska Afrika oo ay colaaduhu ka jiraan sida Itoobiya,Eriteriya iyo Soomaaliya ayaa ka mid ah wadamada uu ergeygan cusub ka howlgali doono.

Xue ayaa horay uga soo noqday safiirka Shiinaha u fadhiya Papua New Guinea, waxaana uu khibrad u leeyahay ka shaqeynta Afrika, Ameerika iyo Oceania,sida ay shaacisy Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha.

“Shaqadiisu waxay noqon doontaa in uu ka shaqeeyo horumarinta qorshaha nabadeed ee Shiinaha ee gobolka kaas oo ujeedkiisu yahay in lagu caawiyo wadamada gobolka si ay u helaan xasillooni, horumar iyo barwaaqo mustaqbalka fog,” ayuu yiri afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Wang Wenbin.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Shiinaha Wang Yi ayaa ku dhawaaqay bishii Janaayo mar uu safar ku marayay bariga Afrika in magacaabista noocaan ah la qorsheeyay.

Danaha Shiinuhu ka leeyahay Geeska waxaa ka mid ah Saldhigga uu ku leeyahay Badda ee Jabuuti oo marin muhiim u ah maraakiibta caalamiga ah.

Beijing ayaa dayn badan siisay Itoobiya oo aan bad lahayn, taasoo ku tiirsan dekedda Jabuuti oo ay ka hesho ganacsi.

Gobolka ayaa sidoo kale waxaa halis ugu jira xasillooni darrada ka jirta Koonfurta Suudaan, halkaas oo Shiinuhu uu ku leeyahay maalgashi shidaal oo badan, iyo qulqulka ka imanaya Soomaaliya oo keenay weeraro lagu hoobtay oo ka dhacay dalka deriska la ah Kenya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More