Jan 10(Jowhar)-Safaaradda Shiinaha ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah u shaacisay in ay iyagu beddeleen jadwalka safar uu Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha ku iman lahaa magaalada Muqdisho Jimcihii shalay.
Bayaan ka soo baxay Safaaradda Shiinaha ayaa lagu sheegay in isbeddelka ku yimid socdaalka uu ahaa mid farsamo iyo jadwal la xiriira, inkasta oo aan la shaacin waqtiga rasmiga ah ee booqashada cusub la qorsheynayo.
Safaaraddu waxay carrabka ku adkaysay in dib-u-dhaca safarku uusan wax saamayn ah ku yeelan doonin xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya Shiinaha iyo Soomaaliya, iyadoo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee Shiinaha uu u hayo midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Wararkan ayaa imanaya xilli ay jireen hadal-hayn iyo saadaal la xiriirtay sababaha ka dambeeya dib-u-dhaca safarka wasiirka, taasoo dhalisay su’aalo ku saabsan xaaladda amni iyo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.
Xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa sanadihii u dambeeyay ahaa mid sii xoogeysanaya, gaar ahaan dhinacyada kaabayaasha dhaqaalaha, ganacsiga, waxbarashada iyo taageerada siyaasadeed ee caalamiga ah.











