Shiinaha oo Somaliland Ugu Baaqay Inay Joojiso Dhaqdhaqaaqyada Gooni-u-goosadka

1

Dec 29(Jowhar)-Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Shiinaha ayaa war rasmi ah oo ay soo saartay ku sheegtay inay si adag uga soo horjeeddo dhaqdhaqaaq kasta oo wax u dhimaya midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

War-saxaafadeedka wasaaradda ayaa lagu yiri

“Waxaan ugu baaqaynaa mas’uuliyiinta Somaliland inay si degdeg ah u joojiyaan dhaqdhaqaaqyada gooni-u-goosadka ah, isla markaana ay ka fogaadaan la shaqeynta ama ku milanka quwadaha shisheeye.”

Shiinaha ayaa caddeeyay inuu si buuxda u taageersan yahay mabda’a midnimada Soomaaliya, isaga oo xusay in arrimaha gudaha ee dal madax-bannaan aysan faragelin ku sameyn karin dowlado ama maamullo kale.

Hadalkan ka soo yeeray Beijing ayaa imanaya xilli ay jireen dhaqdhaqaaqyo diblomaasiyadeed iyo xiriirro ay Somaliland la yeelatay qaar ka mid ah dalalka caalamka, arrintaas oo dhalisay falcelinno kala duwan oo heer gobol iyo mid caalami ah.

Dowladda Shiinaha ayaa marar badan ku celcelisay inay aqoonsan tahay oo keliya hal Soomaaliya oo mideysan, isla markaana aysan marnaba taageeri doonin tallaabooyin lagu wiiqayo madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalka.

Illaa iyo hadda, wax war ah kama soo bixin maamulka Somaliland oo ku saabsan hadalka ka soo yeeray Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha.