Shil gaari oo qasaare geystey oo ka dhacay magaalada Hargeysa

Shil gaari oo sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa xalay ka dhacay meel ku dhow magaalada Hargeysa ee caasimada u ah Maamulka Somaliland.

Shan ruux ayaa ku geeriyootay siddeed kalana waa ay ku dhaawacmeen shilkan oo ka dhashay labo gaari oo isku dhacday.

Dadka ku dhintey shilkan ayaa waxaa ka mid ahaa dumar iyo carruur iyadoo dadkii ku dhaawacmay la dhigey isbitaalada magaalada Hargeysa.

Shilalka sababa waxyeelo soo gaarta dadka gaadiidka saaran ayaa ku soo badanaya deegaanada ku yaal maamulka Somaliland, iyadoo dowlada la magac baxday Somalilandna ay ku dhawaaqday inay tallaabo qaadi doonto sidii loogaga hortagi lahaa shilalka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More