Shir gaar ah oo ka socda Teendhada Afisyoone

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha Madaxweynayaasha Galmudug, Hir-Shabeelle iyo Koonfur Galbeed oo tegay Teendhada lagu wado in uu dhawaan ka furmo shirka ayaa shir gaar ah u bilowday.

Goobta shirka ayaa waxaa ka maqan Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in Deni iyo Axmed Madoobe aysan kasoo qeybgali doonin shirka oo uu dhawaan iclaamiyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada goor dhow ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddoomiyey kulan hordhac u ah Shirka Qaran ee dhammeystirka Arrimaha Doorashooyinka iyo fulinta heshiiskii 17-ka Sabteembar 2020 ee ay ansixiyeen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulankan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed.

Amniga Xerada Afisiyooni ayaa aad loo adkeeyay, waxaana socda dadaalo ay wadaan Xubnaha Beesha Caalamka ee ku aadan in shirka ay tagaan Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More