Shir ku saabsan hannaanka Maaliyadda Cimilada Qaranka oo lagu soo gabagabeeyay Muqdisho

0
135

Aug 28 (Jowhar)-Kulan  Aqoon-isweydaarsiga Qaranka oo ku saabsan Tijaabada Maaliyadda Cimilada Soomaaliya iyo Hawlgelinta Sanduuqa Qaranka ee Cimilada (NCF) ayaa lagu soo gebagebeeyay Muqdisho

Aqoon-isweydaarsiga Qaranka ee lagu daahfurayay Tijaabada Maaliyadda Cimilada Soomaaliya iyo hawlgelinta Sanduuqa Qaranka ee Cimilada (NCF) ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho 27–28 Agoosto 2025.

Munaasabadda furitaanka waxa si rasmi ah u furay Mudane Bihi Iman Egeh, Wasiirka Maaliyadda, iyo Mudane Bashiir Maxamed Jaamac, Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada.

Intii lagu guda jiray aqoon-isweydaarsiga, waxaa la isla qaatay in helitaanka maalgelinta cimiladu uu yahay mudnaan istaraatiiji ah oo Soomaaliya u taalla, iyadoo la xusay in Tijaabada Maaliyadda Cimiladu ay tahay talaabo muhiim ah oo lagu hawlgelinayo Sanduuqa Qaranka ee Cimilada (NCF).

Aqoon-isweydaarsiga waxa ka soo qaybgalay in ka badan 60 masuul oo heer sare ah, kuwaas oo ka socday Hey’addaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo bulshada rayidka ah. Waxa uu kusoo dhammaaday is-afgarad iyo heshiis laga gaaray Warbixinta Bilowga ah iyo Qorshaha Shaqo ee Sannadlaha ah, taas oo jidka u xaaraysa wadashaqeynta wadajir ah oo ku saabsan maaliyadda cimilada ee Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale kulan aqoon-is-weydaarsiga l lagu gorfeeyay horumarinta qorshayaasha iyo istaraatiijiyadda xal u heliyadda saameeynta dhaqaalaha ee isbaddelka cimilada Soomaaliya, iyadoo hannaanka uu hormuud ka yahay Xafiiska Sanduuqa Qaran ee Dhaqaalaha Isbeddelka Cimilada.