Sunday, February 15, 2026
Home NEWS Shir ku Saabsan Maaliyadda Cimilada Cagaaran oo Lagu Soo Gabagabeeyay Kigali

Shir ku Saabsan Maaliyadda Cimilada Cagaaran oo Lagu Soo Gabagabeeyay Kigali

54

Feb 15(Jowhar)-Waxaa magaalada Kigali ee dalka Rwanda lagu soo gabagabeeyay shir muhiim ah oo ku saabsan  Cimilada Cagaaran iyo is dhaafsiga aqoonta iyo khibradaha hannnaanka Maaliyadda cimilada.

Shirka ayaa intii uu socday diiradda lagu  saaray hirgelinta hannaan maaliyadeed oo cimilada ah oo qaran oo Dowladda Soomaaliya hogaamiso, isla markaana si waafaqsan uga shaqeeya dhammaan hay’adaha iyo heerarka dalka (whole-of-country approach).

Shirkaan oo ay martigelisay Hey’adda Cimilada Qaran ee dalka Rwanda (Rwanda Green Fund) ayaa sidoo kale ka qeybgalayasha isku dhaafsadeen dooddo wax ku ool ah oo ku aadan hannnaanka Maaliyadda cimilada Cagaaran, is dhaafsiga khibradaha, hirgelinta, caqabadaha jira,iyo sida dalalka Afrika ay uga faa’iidaysan karaan maalgelinta cimilada Maaliyadda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shir ku soo bandhigtay sida ay horumar la taaban karo uga samaysay hirgelinta iyo tallaabooyinka wax ka qabashada isbeddelka cimilada iyo maalgelinteeda mudnaanta qaran ee ku xusan aragtida Qaran ee 2060, Qorshaha Isbeddelka Qaranka (National Transformation Plan), iyo  sidoo kale NDC-yada iyo NAP-yada.

Wafdiga Soomaaliya ee shirka ka qeybgalay ayaa waxaa hoggaaminayay Agaasimaha Fulinta Sanduuqa Qaran ee Isbeddelka Cimilada Soomaaliya (NCF) Mudane Liibaan Cabsiiye iyadoo ay wehlinayeen xubno sare oo ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Wasaaradda Qorsheynta Qaranka iyo Bangiga Horumarinta Soomaaliya.

Wafdiga Soomaaliya ayaa waxaa ku soo dhaweeyay Kgali, Agaasimha Fulinta Sanduuqa Qaran ee Cimilada ee dalka Rwanda, Marwo, Teddy Mugabo iyo Mudane, Félix Yvan Rugwizangoga Madaxa Istaraatiijiyadda ee Sanduuqa Cagaaran ee Rwanda.

” Waxa aan si weyn ugu mahadcelinaynaa Xafiiska Arrimaha Dibadda  iyo Horumarinta ee Dowladda Ingiriiska, taageerada ay ka geysteen tijaabooyinka helitaanka Maaliyadda Cimilada ee Soomaaliya, iyo sidoo kale Hey’adaha DAI oo door muuqda ka qaatay abaabulka iyo fududeynta shirkaan muhiim ka

ah ee ku saabsanaa is-weydaarsigan aqooneed.” Ayuu yiri Agaasimaha Fulinta Sanduuqa Qaran ee Isbeddelka Cimilada Soomaaliya Liibaan Cabsiiye.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay dadaal xooggan ugu jirtaa xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha maaliyadeed ee cimilada iyo ururrada waaweyn ee ka shaqeeya arrimaha Cimilada Cagaaran, si loo dardargeliyo helitaanka iyo ka faa’iidaysiga maalgelinta cimilada.