Shir lagu heshiisiinayo beelo ku dagaalamay Sh/dhexe oo ka furmay Deegaanka Burka Diirimeed
July. 28 (Jowhar.com)-Madaxweynihii hore ee Dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta deegaanka Burka Diirimeed ka daahfuray Shirka Dib u Heshiisiinta Beelihii dhowaan ku dagaalamay deegaano hoos yimaada Degmooyinka Cadale iyo Raage Ceelle.
Shirkaan Dib u Heshiisiinta ah waxaa goob joog u ahaa furitaankiisa Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Hirshabeelle, Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe, Maamulada Degmooyinka Cadale iyo Raage Ceelle, Imaam Daahir Imaam Maxamuud, Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, Waxgarad iyo Masuuliyiin kale.
Madaxweyne Sharif iyo Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Duubabka iyo waxgaradka Gogoshaan Nabadeed isugu yimid ku adkeeyay inay dhameeyaan colaada deegaanadaan ka jirta si bulshadu ay ugu noolaadaan nabad wadajir iyo walaalnimo.
Maleeshiyo beeleedyo ku dagaalamay deegaano ka tirsan degmooyinka Cadale iyo Raage Ceelle ayaa sababay dhimashada tobanaan ruux halka kuwo kalana ay ka barakaceen,waxaana sidoo kale dagaaladaas lagu gubay guryo ay degenaayeen dad xoolo dhaqato ah.