Shir looga hadlayay xoojinta Iskaashiga Dhaqaalaha EAC oo ka dhacay Muqdisho

Jun 24(Jowhar.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furay shirweynaha wadatashiga ee Dallada Bulshada Bariga Afrika ayaa sheegay in dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ka go’an tahay daris-wanaagga iyo in la xoojiyo iskaashiga heer gobol, si waafaqsan danaha wadajirka ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay dhiirri-gelinta maalgashiga iyo in dowladuhu si sharci ku wadaagaan fursadaha jira, isaga oo hoosta ka xariiqay in damaca dowladda Itoobiya ay ku dooneyso qayb ka mid ah biyaha Soomaaliya uu yahay mid meesha ka saaraya iskaashiga iyo wax isdhaafsiga dowladaha, isla markaana wiiqaya Nabadda iyo Xasilloonida gobolka.

“Waxaan Ummadda soomaaliyeed iyo caalamkaba u caddeynayaa, Itoobiya waxaan isku haysanaa qaabka sharci-daarada ah ee ay dooneyso in ay Baddeen kusoo gaarto, waxaan dooneynaa in ay Baddeenna ku timaado hab sharci ah, sida Yugaandha ay ku gaarto Badda Kenya iyo sidoo kale sida Itoobiya qudheedu ay ku gaarto Badda Jabuuti”.

Shirkan oo ay ka soo qeyb-galeen xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, khubarada dhaqaalaha, safiirro iyo wakiillo ka socday jaamacadaha dalka ayaa lagu soo bandhigay qorshaha Soomaaliya ee Dallada Bulshada Bariga Afrika, gaar ahaan fursadaha ugu jira ganacsatada iyo bulshada rayidka ah.

Sidoo kale, khubarada ayaa si qoto dheer u falanqeynaya hanaanka loo horumarinayo xiriirka ganacsi iyo midka bulshada ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo dalalka kale ee ku bahoobay Dallada Bulshada Bariga Afrika.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa khudbaddiisa ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la helo iskaashi iyo wadajir si loo horumariyo dhaqaalaha dalka, loona abuuro fursado shaqo oo waara.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More