Shir u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada oo lagu qabanayo Garoowe.

August 30 (Jowhar.com)-Wararka laga helayo madaxtooyada Puntland ayaa sheegaya in magaalada Garoowe ee caasimadda maamulkaasi lagu qabanayo shir weyn oo u dhexeeya madaxweynaha dowladda Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada dalka ka jira.

Arrintan ayaa la iskula qaatay shirkii u danbeeyay ee Garowe ku wada yeesheen madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxweynaha maamulka Puntland Siciis C/llaahi Deni, lama sheegin rasmi ahaan goorta la qabanayo shirkaasi.

Sida xogaha hordhaca ah ee la helayo ay tilmaamayaan, shirkan oo xili xasaasi ah ku soo aadaya ayaa diiradda lagu saarayaa mudo kororsiga ay sameysteen maamulada Jubaland iyo Koofur Galbeed, dagaalka ka dhanka ah Shabaab iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta dowladda iyo maamulada.

Si kastaba, madaxweyne Xasan Sheekh oo dhowr cisho ku sugnaa magaalada Garoowe ayaa shalay dib ugu soo laabtay caasimadda, iyadoo Wada-hadalladii dhexmaray Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweynaha Puntland Siciid Deni natiijo la’aan uu ku dhammaaday islamarkaana wax war-murtiyeed ah laga soo saarin

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More