Shirka Banbaxa Golaha Wasiirada Hirshabelle oo maanta ka furmay Jowhar

August 08 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta daahfuray shirka banbaxa Golaha Wasiiradda ee Dowladda Hirshabeelle.

Shirkaan ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku Xigeenka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar, Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Cabdixakiim Luqmaan Xaaji Maxamed Ku Xigeenadiisa, Xubnaha Golaha Xukuumadda, Lataliyaal sar sare iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Kulan wadareedkaan oo ah kii ugu horeeyey ee nuuciisa ah oo xukuumadu qabato ayaa waxaa uu socon doonaa muddo labo maalmood ah iyadoo looga hadli doono barnaamijka xukuumadda, hanaanka abaabulka iyo wadashaqeynta Golaha Wasiiradda, waxa uuna dib u fiirin doonaa waajibaadka shaqo ee Golaha Wasiiradda iyo Wasaaradaha iyadoo la xaqiijin doono wadajirka iyo wadashaqeynta Golaha.

Dhawaan ayaa waxaa uu Madaxweynaha Hirshabelle magacaabay gole wasiiro oo tiradoodu gaareyso 81 iyadoo Baarlamaanka Hirshabelle uu ansixiyay golahan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More