Shirka golaha wadatashiga qaran oo ka furmay magaalada Baydhabo
Mar. 15 (Jowhar.com)-Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee u dhaxeeyay madaxda Dowlada Federaalka, qaar kamida madaxda dowlad goboleeyada iyo Gobolka Banaadir ayaa goordhaw ka furmay Magaalada Baydhabo.
Kulankaan oo uu shir guddoominayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud ayaa looga hadlayaa qaab dhismeedka amniga qaranka, hannaanka federaaleynta maaliyadda, doorashooyinka heer federaal iyo heer Dowlad Goboleed.
Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo ka maqan shirka ayaa ku gacan seyray waan-waan iyo fariimo dhex-dhexaadin ah oo uga timid dhanka wakiiladda beesha caalamka, isagoo ku adkeystay inuusan xaadirin shirka khilaafka kala dhexeeya madaxweyne Xasan iyo Axmed Madoobe darteed.
Wakiiladda Caalaamiga ah ayaa Saciid Cabdullaahi Deni ka dalbaday in shirkaasi uu xaadiro, islamarkaana uu halkaasi kusoo bandhigo tabashadiisa, si xal wada-jir ah looga gaaro, balse soo jeedintaas Deni wuu iska diiday.