Shirka Guddiga Fulinta Barnaamijka Wadajirka Booliska oo Muqdisho lagu qabtay

Wasiirka Amniga Gudaha Cabdulaahi Maxamed Nuur iyo Kuxigeenka Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Anita Kiki Gbeho ayaa si wadajir ah u shir guddoomiyay Shirka Guddiga Fulinta ee Barnaamijka Wadajirka ee Booliska.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka socday deeq bixiyeyaasha, Saraakiil Boolis, Mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradaha Amniga heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed.

Shirkan ayaa waxaa diiradda lagu saaray xaalada amniga dalka iyo horumarinta ciidanka Booliska Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada, agabyada ay u baahan yihiin u heli lahaayeen sida tababarada ciidanka, awood-siinta, qalabeynta iyo dhismaha saldhigyada booliska.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More