Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya oo goor dhow ka furmay Muqdisho

Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ka furmay shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee Somalia Partnership Forum, kaasoo ay ka qeyb galayaan dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada iyo Beesha Caalamka.

Shirkan oo uu furay Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ka hadlay doorashada Soomaaliya, marxaladihii ay soo martay wada hadaladii hannaanka doorashada, waxaana uu adkeeyay in doorashada waqtigeeda ku dhici doonto.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dhowaan uu safaro ku tagayo Garowe, Gaalkacyo iyo Dhuusamareeb, isla markaana Madaxda dowlad Goboleedyada ay shir isugu imaan doonaan magaalada Muqdisho.

Wakiilka Qaramada Midoobey James Swan ayaa isna ka hadlay arrimaha doorashada iyo arrimo kale, waxaana uu soo jeediyay in doorashada ay noqoto mid loo dhan yahay oo ay qeyb ka wada yihiin dhammaan dhinacyada ay quseyso.

Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni oo shirka uga qeyb qaadanayay dhank qadka Zoomka ayaa ka hadlay doorashada, waxaana uu soo jeediyay in dowladda Federaalka ciidamadeeda kala baxdo Gobolka Gedo, si Jubbaland doorashada ugu qabato, sidoo kale waxaa uu ku baaqay in Guddiga doorashada ee Somaliland ay noqoto mid loo dhan yahay oo ay qeyb ka yihiin dhammaan dhinacyada ka soo jeeda Somaliland.

Shirka oo weli socda ayaa waxaa khudbado ka jeedinaya Madaxda kala duwan ee shirka ka qeyb galaya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More