Shirkadda Dahab Marina Beach Estate LTD, oo loogaga dhawaaqay Muqdisho

Shirkadaha Dahabshiil Group iyo Marina Beach Estate ayaa ku dhawaaqay dhismaha shirkada cusub oo lagu magacaabo Dahab Marina Beach Estate LTD, taasi oo hirgelin doont mashruuc dhul baxaad ballaaran loogu dhisayo guryo saaran xeebta Muqdisho.

War-saxaafadeed ay si wada-jir ah u soo saareen Dahabshiil Group iyo Marin Beach Estate ayaa waxaa lagu sheegay in Dahab Marina Beach Estate ay noqon doontaa hormuudka degaanada Geeska Afrika ugu horeeya xagga Booska iyo Bilicda.

 

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in Daahfurka iyo bilaabidda dhismaha ay dhici doonaan December 2021, dhismaha mashruucana uu bilaabmi doono ugu danbeyn rubuca labaad ee 2022 ama ka hor.

Halkan Hoose ka Aqriso Heshiiska Labada Shirkadood;

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More