Shirkadda Somtel oo daah-furtay Xarunta Tababarka Tiknoolajiyada (Sawiro)

May 26 (Jowhar.com)-Shirkadda isgaarsiinta Somtel ayaa si rasmi ah u daah-furtay Xarunta Tababarka Tiknoolajiyada Somtel oo ah Xarun Casri ah looguna talagalay ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta jaamacadaha dalka & Kuwa ka qalin -badashay intaba.

Xaruntan ayaa loo asteeyay in ardayda Soomaaliyeed Tababaro bilaash ah lagu siiyo kuwaasoo la xiriira Taqasusyada ( Engineering, IT-da, BA, Marketting).

Xaruntaan Tababar ayaa Lagu Wadaa Inay Daboosho baahida ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta Jaamacadaha dalka Kuwaasoo baahi fara badan u qabay inay helaan baraatiko Taqasusyada ay baranayaan

Xaruntaan ayaa Waxa ay Sidoo kale ka jawaabi doontaa baahida Jaamacadaha dalka oo aad u daneeynayay in ardaydooda ay helaan Xarumo Tababar oo Casri ah oo baraatiko la gu siiyo waliba Si gaar ah ardayda qalin badalneeysa oo aad ugu baahan Xarumo Tababar Casri ah oo aad u qalabeeysan Kuwaasoo ardaydu ay ku qaadanayaan ( Intern Ship Program)

Xaruntaan Dhismaheeda & Qalabeynteeda ayaa waxaa ku baxay qarash dhan 1.9 Million Dolar Si ay ugu jawaabta baahida ardayda Soomaaliyeed ee wax ku barta Wadanka gudahiisa Gaar ahaan Jaamacadaha ku yalo Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho & Jaamacadaha Gobolada in taba.

Ugu horeyntii Waxaa Munaasabada daah- furay Maareeye Ku xigeenka Somtel ahna Madaxa Howl- Fulinta guud ee Shirkadda Mudane: Aden Yusuf Ibrahim oo ku dheeraaday ahmiyada axaruntaan

“ Waa Xarunta Tababar aan ugu Talagalanay ardayda Wax ka barta Jaamacadaha dalka ee barta Taqasusyada Tiknoolujida Casriga ah La xiriira oo aan heysan Cid Baraatiko Siineysa Dowlad ama Shirkadaha gaarka loo leeyahay Taqasusyada Tiknoolujiyada la Xiriira waxa ay u baahanyihiin Sare u qaadis in loo sameeyo aqoontooda Waxaan Isku Xilqaamay Shirkadda Somtel oo furtay Xarun tabar oo ardayda aan tababar ku siineyno System-yadeena oo shaqeeynaya ay ku tababaranayaan Waxaan aas’aasnay College-kaan oo ay ku baxday qarash dhan (1.9 Million) Taqasusyada gaaraya ilaa 10 Taqasus oo dhamaantood daboolaya baahida ardayda Kuliyadaha Engineering & IT-da Taqasusyadooda kala gedisan Waxaan balan qaadeeynaa in si blaash ah aan Tbabaro ugu fidino ardayda Soomaaliyeed Sidoo kale Dhamaan Jaamacadaha dalka Fursado isku mid ah ayan Siineeynaa Waxaan rajeeyneeynaa ardayda aan halkaan Tababarada Ku Siino inay wax badan Ku kordhiyaan ( Telecommunication Sector) -ka dalka Somtel WAA Shirkadii ugu horeeysay ee arday Soomaaliyeeda Siisa Intership bilaash ah tan & SANADKII 2015 waxaan Tababar u Fidinay boqolaal arday Waxaa Intaas dheer Somtel Waa Shirkadii ganacsi ee ugu horeysay ee Xarun Tababar Lacag la’aan ah ka hergelisay dalka”

Waxaa Sidoo kale Munaasabada Ka hadlay Maareeye ku Xigeenka Dahabshil Group Mudane Omar Hassan Mohamed oo tibaaxay

“ Shirakadda Dahabshil ay Meel hoose ka Soo bilowday adeegsiga Tiknoolujiyada Casriga ah iyadoo xawaalada la diraya ay qaadan jirtay waqti dheer laakiin Manta ilbiriqsiyo kooban Dahabshil Group Waxa ay ka koobantahay 10 Qeyb Waxaan balan-qaadeeynaa inan dalka ka hergelino Xarumo la mid ah midka Somtel ay Maanta Daah-Furtay waxaan U Mahad-Celinayaa Marti Sharafta nagala Soo qeyb-gashay Munaasabada Sidoo Maareeye Ku Xigeenka somtel oo manta Howshan Horkacayay”

Waxaa Sidoo akale Munaasabada ka hadlay Mas’uuliyiinta jaamacadaha dalka oo aan ka Xusi karno Dr Maxamed Yusuf Cumar oo Ku dheeraaday ahmiyada Xaruntaan Tababar ay Somtel Furtay

“ Waxaa hubaal in Somtel manta U hiilisay ardayda Soomaaliyeed Hadiia an anahay Bahda jaamacadaha Soomaaliyeed Waxa ay ardeydeena horay U siin jirtay (Internship Program) Todobadii Sano ee La Soo dhaafay Maanta Waxa ay inoo Hergelisay Xarun Tababar oo aad u qalabeysan Taasoo Wax badan KA tari doonto In ardaydeena Baraatiko Ku Filan ay helaan Maadaama Jaamacada Qaab ( Theory) ah Ay ardayda Casharada U qaadan jireen WAA ilaah Mahadii baahideenii Somtel ayaa Maanta dabooshay”

Ugu Dambetyntii Waxaa Munaasabada soo Xiray Agaasimaha Hidaha & Tacliinta sare ee Wasaarada waxbarashada XFS Mudane: Ismaaciil Yusuf Cisman oo aad u bogaadiayay Somtel Waxa uu ka dhawaajiyay in dalku aad ugu baahi qabay Xaruntaan Tababar Wax badan ay ka tari doonto baahida ardayda Soomaaliyeed Ka-wasaarad ahaan Waxaan wadnaa Dhiiragelinta Tiknoolujiyada Casriga ah oo dalkeenu aad ugu horeeyo Marka wadamo farabadan oo afrikaan & Dowlado Carbee doo aan ka horeyno ayaa jiro Dhinaca Internetka Waxaan ku Soo kordhinay Manhajka Waxbarashada dalka Maado Tiknoolujiyada aan ugu talagalnay ardayda Dugsiyada Sare Marka ay Soo qalin badashaan Waxa ay u baahanyihiin ardaydaas Waxa ay u baahanyihiin Batraatiko waxa aan rajeeynayaa in Somtel Naga Caawiso Maadaama aad ka War-qabtaan in Dowladeenu ay Daciif tahay Wali Soo kabasho aan ku jirno Ugu dambeyntii Waxaan ku talinayaa in La iska kaashado Shirkadaha gaarka Loo leeyahay & Dowlada Si Dalkeenu HOR mar UGU talaabsado”

Si kastaba ha ahaatee Waa Xaruntii Tababar ee ugu horeysay ee Shirkad ganacsi furtay abid oo Si bilaash ah Wax lagu barayo arday Soomaaliyeed ee wax ka barata jaamacadaha dalka & kuwa ka qalin badashay intaba.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More