Saturday, February 21, 2026
Home NEWS Shirkii madaxweyne Xasan iyo Golaha Mustaqbalka oo manata markale baaqday

Shirkii madaxweyne Xasan iyo Golaha Mustaqbalka oo manata markale baaqday

61

Feb 21(Jowhar)-Kaddib baaqashadii kulanka maanta loo madlan yahay ee Dowladda Federaalka ah iyo Golaha Mustaqbalka, waxaa soo baxaya warar sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ka cagajiidayo la kulanka guddi kooban oo ay iska soo xuleen dhinaca mucaaradka. Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu shardi uga dhigay mucaaradka inay u yimaadaan iyagoo dhammaystiran.

Mucaaradka ayaa sii wadista wada-hadalada dowladda u xil saartay 4 xubnood oo kala ah; Siciid Deni, Xasan Khayre, Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Cabdullaahi Carab. Madaxweynaha ayaase diidan.

Xogtu waxay tilmaamaysaa in Madaxweynuhu rabo inuu ka faa’iidaysto kala aragti duwanaanshaha iman kara marka ay dhammaan hoggaanka mucaaradku wada joogaan. Wuxuu aaminsan yahay in koox yar oo matalaad ahi ay ku adkayn karaan gorgortanka, halka kulanka guud uu fursad u siin karo inuu dhex galo aragtiyaha kala duwan ee mucaaradka dhexdiisa ah.

Haddii mucaaradku ay ku adkaystaan inay soo diraan guddi metela, Madaxweynaha ayaa isna dhankiisa qorsheynaya inuu u xilsaaro Guddi Wasiiro ah inay la macaamilaan, halkii uu isagu si toos ah ula kulmi lahaa.

Maanta sidii shalay oo kale majirayo wax wada-hadal ah oo ay isugu imanayaan madaxweyne Xasan iyo Golaha Mustaqbalka, waxaase maanta jiraya kulan gaara oo Golaha dhexdiisa ay isugu imanayaan.