Shirkii madaxweyne Xasan iyo mucaaradka oo mar kale natiijo la’aan kusoo dhamaaday

0
76

Aug 13 (Jowhar)Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in natiijo la’aan uu kusoo dhamaaday shirkii u dhexeeyay madaxweyne Xasan iyo Golaha Samata-bixinta, kaasoo saacado badan qaatay.

Sida wararku tilmaamayaan, Madashii Samata bixinta ayaa haatan usii socdo shir gaar ah oo ay leeyihiin, si ay war kama dambeys uga soo saaraan dalab cusub oo Madaxweynuhu soo gudbiyay, kaddib shirkii saacadaha badan socday ee aanan wax natiijo ah laga gaarin.

Arrinta Dastuurka Cutubka afaraad ayay dooddu ka taagan tahay oo Madaxweynuhu ogol yahay in qodobo ka mid ah wax laga taabto, halka Mucaaradka duuduub ay doonayaan in looga tanaasulo oo aan lakala qaadin Chapter 4.