Shirkii u dhaxeeyay Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Midowga Musharaxiinta oo fashilmay

Waxaa goordhow natiijo la’aan ku soo dhamaaday shir saacado badan qaatay oo caawa fiidkii illaa saq dhexe uga socday Hotelka Decale Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Midowga Musharaxiinta.

Shirkan ayaa caawa looga hadlayay arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka, iyadoo Midowga Musharaxiinta ay dalbadeen inay kaalin ku yeeshaan arrimaha siyaasada iyo shirarka soo socda ee doorashooyinka.

C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ka mid ah xubnaha Midowga Musharaxiinta oo caawa shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in wada hadalkii saacadaha badan socday uu natiijo la’aan ku soo dhamaaday, isagoo dhanka dowladda ku eedeeyay inay wax ka socon waayeen.

“Waxaa isku daynay xal kasta oo suura gal ah inaan wada gaarno taas laguma guuleysan nasiib darro, dadaal kasta oo Midowga Musharaxiinta bixiyay iyo tanaasul kasta uu sameeyay runtii taas bedelkeed ma arkin”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.

C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay in Ra’iisul Wasaaraha oo go’aanka lahaa in mar kasta uu dib ula laabanayay dhanka Madaxweynaha oo uu ku eedeeyay inuu ahaa ninka gagaal uga dhegan dadka ay wada hadalka kula jireen.

“Waxaa aad  iyo aad uga xunnahay dad go’aanka ayaga is ka leh dastuuriyan iyo siyaasiyan u leh oo aan caawa dhan la fadhinay inay muuqatay in aysan go’aanka laheyn, waa nasiib darro u soo hoyatay taariikhda siyaasada. runtii waxaa jeclaan laheyn inay kalsooni is geliyaan oo ay aaminaan inay talada dalka iyo go’aanka siyaasadeed ayaga leeyihiin, laakiin qoraal kasta iyo is afgarad kasta oo aan gaarno in laga soo ansixiyo meel kale oo shirka ka baxsan ayadoo farriin qoraal ah, saacado u joognay cidii farriin qoraalka soo direysay ay diiday in horay loo socdo, kaasoo ahaa Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaday Farmaajo oo gadaal uga dhegan dadka aan wada hadalka kula jirnay”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in wixii mas’uuliyad ah ee dalka ka xumaada ay qaadi doonaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More