Shirkii uu Iclaamiyay Madaxweyne Farmaajo inuu ka dhaco Garowe oo baaqday

Shir loogaga hadli lahaa arrimaha doorashooyinka oo uu Madaxweynaha muddo xilleedkiisii dhamaaday Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iclaamiyay inuu ka dhacayo 15ka bisha oo ku beegan maanta magaalada Garowe ayaa baaqday.

Sababaha shirka uu u baaqday ayaa waxaa kamid ah iyadoo Maamulada Puntland iyo Jubaland ayaa soo jeediyeen in shirka uu ka dhaco Muqdisho halka maamul goboleedyada Galmudug,Hirshabelle iyo Koofurgalbeed aysan ka hadlin shirka.

Inkastoo aysan dowlada fedealka aysan si rasmi ah u sheegin in shirkan uu baaqday ayaa hase ahaatee waxaa uu Ra’iisal Wasaaraha xilka sii-haya Maxamed Xuseen Rooble uu shalay magaacabay guddi farsamo oo ka kooban 14 xubnood, kuwaasi oo ka shaqeyn doona sidii ay u fududeyn lahaayeen shirka.

Guddiga farsamo ayaa la sheegay in ay u gogol xaarayaan shirka Golaha Wadatashiga Qaranku ay isugu imanayaan, kaasoo lagu dhammeystirayo wadahadalladii arrimaha doorashooyinka ee u dhaxeeyay Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Gobolka Banaadir,hase yeeshee lama oga halka uu shirka golaha wadatashiga qaranku uu ka dhacayo iyo xilliga uu dhacayaba.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Beesha Caalamka dhowaan ayaa lagu sheegay in aysan aqbaleyn dib u dhac qiil laga dhigto meesha lagu qabanayo, kadib markii Dowlad Goboleedka Puntland ay soo jeedisay in Muqdisho uu ka qabsoomo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More