Siciid Deni iyo Axmed Madoobe oo yeeshay kulan gaar ah

Wararka ka imanaya dowlad goboleedka Puntland ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo gaaray shalay magaalada Garowe uu la yeeshay kulan albaabada u xiran yihiin Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

Kulanka ayaa labada mas’uul waxa ay uga wada-hadleen Arrimaha Doorashooyinka Aqalka hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Sida ay sheegayaan ilo ku dhow dhow madaxtooyada Puntland waxaa kulan ay labada madaxweyne isa soo qaadeen in aysan doorashada maamuladoodu bilaabin si ay u qiimeeyaan Dowlad Goboleedyada kale hadba sida ay u maamulaan doorashada Golaha Shacabka.

Madaxda labada Maamul ee isbahaysiga gaarka ah leh ayaa lagu wadaa inay kulamo kale yeeshaan ayna ka soo saaraan war murtiyeed la xiriira kulamadooda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More